Logo
Background Image:© Francesca Todde / Contrasto from the series A Sensitive Education
Background Image:© Francesca Todde / Contrasto from the series A Sensitive Education

PVF 2021: Aragtida isha shimbirta


MAXAA DHICI LAHAA HADDUU TUKE SAWIRRO QAADI KARO? SAWIRRO NOOCEE AH AYUU QAADI LAHAA? SIDAY DUNIDU U EGTAHAY MARKA LOO EEGO ARAGTIDA ISHA SHIMBIRTA? WAXAA OKTOOBAR 2021 FURMAYA, DABBAALDEGA SHANNAAD EE CINWAANKIISU YAHAY SAWIRRADA SIYAASADDA WAA “ARAGTIDA ISHA SHIMBIRTA”. DABBAALDEGA WUXUU DIB U MILICSANAYAA, IYADOO LOO MARAYO SAWIRRO, AWOODDA AADANAHA AY KU QIYAASI KARAAN ARAGTIDA SHIMBIRAHA OO KU FAHMI KARAAN ADDUUNKA QAAB KALE IYADOO LOO MARAYO MUUQAALKAAS.


Sawir qaadida iyo u beddelida adduunka sawirro ayaa door ka ciyaaray fahamkayaga ku aadan in aadanaha ka duwan yihiin xayawaanada kale. Muraayadaha kaamirooyinka ayaa markii hore loogu talagalay inay lahaadaan qaabdhismeedka isha bini'aadamka, oo imaanshaha sawirqaadida fog, kaamirooyinka qarsoon iyo kaamirooyinka duurjoogta ayaa suurtagal ka dhigay in bini'aadamka meel fog ka sawiraan xayawaanada.

Sidoo kale, aragtida indhaha shimbirta, ama muuqaalka kor laga arko, ayaa udub dhexaad u ahaa aragtida muhiimada bini'aadamka ee mustaqbalka taasoo soo jirtay qeybtii hore ee qarnigii la soo dhaafay. Horumarka duulista ayaa bini'aadamka ka xoreeyay cuf isjiidka, oo dhismeyaasha dhaadheer ayaa ka sara mariyay Dhulka si ay ula dhacaan horumarka warshadaha iyo magaalooyinka. Sare u kaca aragtida ayaa adduunka fidisay, fogeysay cirifka oo burburiyey fikirkayaga cabbir. Sawirrada muuqaalka sare ayaa waddada u xaaray fahamka sawir qaadista aan ku saleysnayn ka helida muuqaalka balse sawirrada fasiraaddoodu u baahan tahay noocyo cusub oo xirfado ah aragti ahaan. Qaababkaan loo adeegsado sawirrada ayaa tan iyo markaas noqdeen kuwo lagu arko nuxurrada sida barnaamijyada khariidaha iyo sawirrada dagaalka casriga ah

Si kastaba ha noqotee, aragtida indhaha shimbirta – marka la tixgeliyo aragtida shimbiraha iyo daymada xayawaanka – sidoo kale waxay awood u siisay in hab cusub loo qiyaaso aragti iyo daymo aan tan bini'aadanka ahayn. Waxay bilowday inay gacan ka geysato isbeddelka fikradeena ku aadan sawirrada muujinaya muhiimada bini'aadamka. Tixgelinta aragtida xayawaanka ayaa ayaa su'aal gelisay fikradda ay abuureen farshaxanka Reer Galbeedka ee xayawaanku inuu u yahay tusaale fiican bini'aadamka. Horaan, sawirrada xayawaanku waxay muujiyeen bin'aadamka iyo waxa aan bini'aadam ahaan nahay. Xayawaanka ayaa loo arkay inuu la mid yahay tusaale ay milicsadaan bini'aadamka. Tusaalaha (xayawaanka) ayaa isagu laftiisu wax eegin; keliya wuxuu ka turjumayaa daymada (bini'aadamka) isaga fiirinayo.

Iyagoo u adeegsanaya xayawaanada oo idil tusaale ahaan, bani'aadamku wuxuu fahmay waxyaabo badan oo naftiisa ku saabsan, balse keliya joojinta u isticmaalka xayawaanka tusaale ahaan iyo qirida aragtidooda ayaan xitaa si fiican ugu sii fahmi karnaa adduunka.  Fahamka aragtiyada noolaha kale iyo qaabaka nolosha iyadoo loo marayo macluumaad iyo qiyaas ayaa kordhisa damqashada muhiimka u ah wadanoolaashaha aadanaha iyo noolaha kale.

Iyadoo loo marayo indhaha shimbiraha, waxaan sidoo kale awoodnaa inaan baarno waxa ay bini'aadamka ugu indho la' yihiin dhamaanshaha noolaha nagu hareeraysan. Isbeddelkan dhacaya haddana weyn ayaa ah mid aan muuqan. Shimbir Guurtada cajiibka ah ayaa noqonaysa kaliya bandhig naadir ku ah cirka. Dhawaaqa guumeysta yar ee gu'ga la arko ayaa aad iyo aad u sii yaraanayso in laga maqlo keymaha habeenkii. Waxaa si dhif ah u jira wali beero hadhuudh oo laga maqlo dhawaaqa laxanka leh ee Bogcada. In ka badan seddex meelood meel shimbiraha Finland ayay u dhow dahay inay dabar go'aan. Miyuu dhawaqa shimbiruhu keliya u sii jiri doonaa dhawaaqa la saaro muusiga ahaan ee laga maqlo marrinada xarumaha dukaameysiga?

Hadduu tukuhu sawir qaadi lahaa, miyuu diiwaangelin lahaa dhamaanshaha noolaha mise wuxuu qaadi lahaa sawirrada rasooyin qashin ah? Miyuu shimbirka caqliga badan isticmaali karaa sawirro si uu noo tuso anagoo bini'aadam ah sida aan adduunka u aragno marka la eego aragtida noolaha ee aan mideena ahayn?


BANDHIGAYAASHA:


Supporters and partners 2021